Ciidamada PSF oo gacanta ku dhigay ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish (Sawirro)

Ciidamada PSF ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag ajnabi ah oo ka tirsan Kooxda Daacish ee ka howlgasha buuraleyda gobolka Bari.

War kasoo baxay Ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in la qabtay xilli ay ku sugnaayeen dhulka Buuraleyda ah ee timiro oo ka tirsan Gobolka Bari, xili ay doonayeen inay sahay iyo qalab ciidan u gudbiyaan kooxdaas oo fariisimo ku leh buuraleyda Cali Miskaat

PSF ayaa intaas ku dartay  in raggan ay qeyb ka yihiin 7 nin oo xogtooda horey loo hayay, kuwaasoo la ogaaday inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish.

“Raggan artgagixada ah baaris dheer oo lagu sameeyay kadib waxay qirteen ka mid ahaanshaha kooxda Daacish ayna u gudbin jireen sahayda iyo agabka kale oo ay u baahan yihiin, waxayna ka soo jeedaan qowmiyada oromada ee dalka Itoobiya.

Magacyada raggan la qabtay ee saddexda ah iyo shan kale oo ka maqan gacanta ciidanka ayaa la baahiyay ka daalaco hoos sawirada iyo magacyada ragga maqan iyo kuwa la qabtay.

- Advertisement -