Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(War cusub) Jen. Xijaar oo dalbaday in dib loo dhigo doorashada gudoonka Golaha shacabka

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar oo caawa saqdii dhexe war cusub soo saaray  ayaa ku baaqay in sababi amni dartood dib loo dhigi doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee beri

“Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada berri dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi, sabab amni darteed.” ayuu yiri taliyaha,

Waxaa uu ku andacooday in amniga teendhada Afisyoone oo ay aheyd in lagu soo wareejiyo laba maalmood kahor si ay u xaqiijiyaan amniga doorashada aysan dhicin.

“Dib u dhacan waxaa mas’uul ka ah guddoomiyaha KMG Golaha Shacabka iyo kooxda la shaqeyysa, welina la iima soo gudbin liiska Xildhibaanada iyo marti-sharafta kale ee ka qeyb-galeysa doorashada golaha shacabka” ayuu yiri Xijaar oo u muuqda in Villa Somalia ay ka soo dhex hadleyso.

Sababaha ay u codsadeen in dib loo dhigo doorashada ayuu sheegay inay qeyb ka tahay xal u helida  khilaafka ka taagan xildhibaanada ka qeyb-galaya codeynta iyo isqabqabsiga ka taagan xildhibaanada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbaharey

 

Related posts

Shir looga hadlay qodob muhim ah oo lagu qabtay xafiiska Raisul Wasaaraha (Sawirro)

Caydiid Ali

Lamaane Todobo bax u joogay Hotel Afrik oo ku dhintay Weerarkii xalay (Dhacdo murugo leh)

admin

Xildhibaanno kasoo jeeda Jubbaland oo war xasaasi ah soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---