Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax Khasaaro geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo caawa fiidnimadii ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayay wararku sheegayaan inuu ka dhacay xaafad ku dhow aargada laga galo degmada Dayniile, ugu yaraan labo caruur ah ayaana ku dhimatay, halka mid kalena uu ku dhaawacmay sida dadka degaanku xaqiijiyeen.

“Mar kaliya ayaanu ka war helnay qarax ka dhacay iyo caruur daadsan goobta qaraxa uu ka dhacay oo labo meyd tahay, midna dhaawac yahay, sababta qaraxa ka dambeysay illaa hadda war uma heyno, balse waxaan hubaa ineysan jirin ciidan ama dad lalaa beegsanayey oo goobta marayey” ayuu yiri goob jooge ka mid ahaa dadka degaanka.

Weli ma kala cadda in qaraxan uu ahaa haraaga hub caruurtu ku ciyaareen iyo inuu ka dhashay qarax goobta la dhigay oo la doonayey in weerar lagu fuliyo.

Caruurta ay waxyeeladu soo gaartay oo ka dhashay qoysas xaafadaas ku nool ayaa  waxaa u soo gurmaday dadka degaanka oo markiiba isbitaalada ula cararay, waxaana halkaas gaaray markii dambe ciidamada amaanka oo baaritaan ku bilaabay sababta qaraxaas keentay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Finish oo Xilka ka qaaday Afar Gudoomiye Degmo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare Oo la Kulmay Safiiro Reer Galbeed ah (Daawo Sawirada)  

Cabdi Cade

Hormuud xaflad dhiira galin ah u sameysay arday ka qalin jabisay Dugsiga Sare (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---