Nin isaga oo maqane ah xukun dil ah lagu riday oo soo hadlay Cadaaladna dalbaday

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday shan nin oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayna geesteen dilal iyo qaraxyo, waxaana shantaasi la xukumay ku jiray nin maqane ahaa.

Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid oo ku magac dheer (Laahoor) ayaa isaga oo maqan maxkamada ku riday xukun dil ah, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Boosaaso.

Ninkan xukunka dilka ah lagu riday isaga oo maqan oo la xariiray idaacada VOA ayaa sheegay in uu ku sugan yahay dhul miyi ah uu ku hayo hooyadiis, waxa uuna beeniyay eedeemaha maxkamada looga horjeediyay ee ah in uu Al Shabaab katirsan yahay.

Cabdiraxmaan Laahoor ayaa sheegay in uusan waligiis ka mid noqon sidoo kale la shaqeyn Al Shabaab iyo Daacish, waxa uuna xusay in marar hore loo xiray tuhuno, balse lasii daayay markii dambi lagu waayay.

“Waxaan ahay nin shacab ah oo lagu xukumay dil, cadaalad xumo ayaa la igula kacay, waxaan u dhashay gobollada Puntland, kama mid ihi Al-Shabaab iyo Daacish, si toos ah iyo si dabdab midna ulama shaqeeyo, banaanka ayaan ka ahay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay ninkan in uu diyaar u yahay in uu hortago maxkamaddii xukunka dilka ah ku riday, waxa uuna dalbaday cadaalad iyo in aan dusha laga saarin wax uusan shaqo ku laheyn iyo dambi uusan gelin.

Ninkan ayaa sheegay in shaqadiisa ay tahay kaari muddo badana shaqadaasi ku jiray, waxa uuna xusay in uusan wax aqoon ah u laheyn raga kale ee xukunka lagu riday oo ku marqaati furay in isaguna qeyb ka ahaa kooxdooda.

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maalin kahor xukun dil ah ku riday shan nin uu ku jiro ninkan ka maqnaa maxkamadda, waxaana raga kale ee xukunka lagu riday maxkamada kahor qirteen in Al Shabaab katirsanaayeen ayna geesteen qaraxyo iyo dilal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -