Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar 11-sano jir ah oo loo magacaabay in ay noqoto Danjire (Daawo Sawirro)

Gabar 11-sano jir ah oo lagu magacaabo Sharon Ringo, ayaa loo magacaabay in ay noqoto danjiraha dalka Tanzaaniya u qaabilsan arrimaha dalxiiska, waxaana magacaabista gabadhan si weyn u hadal haya Warbaahinta caalamka.

Sharon Ringo, oo ah gabar kusoo caan baxday ka shaqeynta nadaafada iyo daryeelka deegaanka ayaa dowlada Tanzaaniya u garatay in ay u magacawdo danjiraha u qaabilsan arrimaha dalxiiska .

„Waxaan u maleeynayaa in ay tahay arrin wanaagsan, sababtoo ah ma ahan arrin sahlan in aad danjire noqotid adiga oo carruur ah” ayey tiri Sharon Ringo oo ka falcelineysay magacaabista Danjiraha dalxiiska qaabilsan.

Gabadhan oo kunool magaalada Daarusalaam ayaa ah mid ku wanaagsan dhinaca waxbarashada, waxa ay sidoo kale magaalooyin kala duwan oo kuyaala dalka Tanzaaniya ku beertay in ka badan 200- oo geed.

Sharon Ringo, oo khudbado ka jeedisay shirar kala duwan ayaa aad u jecel in dalka Tanzaaniya noqdo dalka ugu horeeya dalxiiska sidoo kale waxa ay sidoo kale aad u dhiirogalisaa dalxiiska geeska Afrika.

Warbaahinta Tanzaaniya iyo kuwa caalamka qaarkood ayaana si weyn u hadal haya sheekada gabadhan yar ee 11-sano jir ah ee loo magacaabay danjiraha dalxiiska ee Tanzaaniya, waxaana gabadhan lagu sifeeyay mid qalbi furan oo jecel horumarka dalkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=crUQRb6Bj3o

Related posts

Wiilashada Trump oo Eedeyn u jeediyay Xisbiga Jamhuuriga uu aabahood katirsan yahay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Ciidamo kasoo goostay dowlada  (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Antonio Guterres: “Ma ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---