Ra’isul Wasaare Rooble oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Nick Dyer (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer.
 
Rooble ayaa Nick Dyer iyo xubnaha la socday waxa uu kala hadlay xaaladda abaareed ee dalka iyo sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.
 
Ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dye ayaa sheegay in diyaar u yihiin sidii gacan uga geesan lahaayeen xaalada abaareed ee Soomaaliya.
 
Qaar kamid ah gobolada dalka waxaa xilligan ka jira xaallad abaareed oo aad u daran, waxaana adag in gurmad lala gaaro qaar kamid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku suggan gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -