Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xujaydii ugu horreysay ee ka timid dibedda oo sanado ka dib gaartay Boqortooyada Sacuudiga

Xujaydii ugu horreysay ee ka timid dibeda  ayaa muddo laba sana ah kaddib maanta gaaray magaalada Madiina, waana markii ugu horreysay ee xajay ajnabi ah tagaan dalkaas tani iyo marka uu cudurka safmarka ee Covid-19.

Xujaydan ugu horreysay ee Sacuudiga soo gaaray ayaa la sheegay iney yihiin kuwa ka socda dalka Indoniisiya oo ah dalka muslimiinta ugu badan ay ku nool yihiin caalamka

Warbaahinta dowladda Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in sanadkan loo oggol yahay iney soo xajiyaan 1 malyan oo xujaaj ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ka kala imaneysa.

“Maanta waxaan qaabilnay koox xujaaj ah oo ka socotay dalka Induniisiya, waxaana xigi doono diyaarado sido xujaaj ka socdo Maleysia iyo Hindiya,” ayuu yiri wasiirka Xajka Maxamed Al-Bijaawi oo u warramayey warbaahinta dowladda.

Sanadkii 2020-kii waxaa soo xajiyey oo keli ah xujaaj aan ka badneen 1,000, halka 2021-ka ay xajiyeen xujey aan ka badneen 60,000 oo ka timid gudaha Sacuudiga.

Related posts

Ergooyin wax ka doortay Xildhibaanada Baarlamanka oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo arrin Muhiim ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeen Caan ah oo xabsiga la dhigay iyo Dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---