Raisul Wasaaraha Somalia oo guddi u Magacaabay baaritaanka dhacdadii Sh/hoose

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa guddi heer wasiir ah u saaray baaritaanka falkii ciidamo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah degaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose ka dib weerar ay ku soo qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib kulan RW Rooble la qaatay safiirka Uganda u fadhiya Somalia iyo taliska AMISOM.

“Isagoo tixgalinaya cabashada uga timid qoysas eheladooda oo ahaa rayid ah ay ciidamada AMISOM dhawaan ay ku dileen deegaanka Golweyn ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble waxa maanta tacsi ugu yimid oo uu u yeeray Safiirka dalka Uganda u fadhiya Soomaaliya Nathan Mugisha iyo taliyaha ciidamada Uganda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska RW.

Rooble ayaa faray labada masuul inay jawaab deg deg ah ka keenaan dhacadadii lagu laayay dadka rayidka ee aan waxba galabsan.

Madaxweynaha Ugandha ayaa sheegay in dadkii ciidamada Ugandha ku laayeen degaanka Golweyn oo gaaraya 7 qof ay ahaayeen shacab, isagoo xusay in magdhow siin doonaan qoysaska ay ka soo jeedaan, wuxuuna balan-qaaday in Maxkamad la soo taagi doono askartii falkaas ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -