Taliyaha NISA oo hawada ka saaray barihii bulshada uu lahaa iyo hadal heyn ka dhalatay !

Taliyaha cusub ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa hawada ka saaray dhammaan barihii bulshada uu lahaa uu inta badan soo dhigi jiray qoraalo aragtidiisa ka turjumaya.

Mahad Salaad ayaa tan iyo markii laga dhigay taliyaha NISA aan wax qoraal ah soo dhigin barihiisa bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twitter, waxaana ugu dambeyn lagu baraarugay barihii uu Mahad ku lahaa Facebook iyo Twitter oo hawada laga saaray.

Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa kahor inta aan la magacaabin si joogta ah usoo dhigi jiray barihiisa bulshada qoraalo kala duwan, waxa uuna caan ku ahaa in si weyn u mucaarado una naqdiyo tallaabooyinka ay qaado dowladdii Farmaajo.

Baraha bulshada ee taliye Mahad waxaa ka buuxa qoraalo badan uu wax uga sheegayay siyaasadda dowladdii hore, waxaana xeeldheerayaasha sheegayaan in Mahad u xiray barihiisa si aan loo soo qufin waxii uu horey ugu dhaliili jira dowladdii hore si aysan hadda caqabad ugu noqon shaqadiisa.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa inta badan caan ku ah in ay dhaleeceeyaan waxna ka sheegaan nidaamka ama dowladda aysan xilligaasi ku jirin, waxaana dhacda marka ay xilal qabtaan in dhaleeceyntoodii iyaga kusoo laabato kuna fashilmaan hoolaha loo igmado.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin badan oo horey muxaafid ugu ahaa dowladdii Farmaajo ayaa hadda la filayaa in ay isku bedelaan mucaarad una rogaan ammaantii dowladii hore dhaliil joogta ah oo ku socota  dowladda cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -