Dowladda Soomaaliya oo Go’aan ka gaareysa arrinta Sheekh Mukhtaar Roobow

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horey uga mid ahaa hoggaanka ugu sareeya ururka Al Shabaab balse markii dambe kasoo baxay kooxdaasi ayaa in ka badan saddex sanno ku xiran xabsi kuyaalla Muqdisho.

Abuu Mansuur oo musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahaa waxaa magaalada Baydhabo kasoo xirtay dowladdii madaxweyne Farmaajo, mana jirto intii uu xirnaa wax maxkamad ah oo lasoo taagay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wax laga weediiyay xariga Abuu Mansuur ayuu sheegay in ninkaasi si sharci daro ah kusoo xirtay dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu ahaa nin lahaa hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Koonfur Galbeed, balse si sharci darro ah loo soo xiray uuna iska xiran yahay ilaa hadda..

Waxa sheegay guddoomiyaha golaha shacabka in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, isla markaana dhawwaan ay dowladda go’aan ka gaari doonto sii xirnaashihiisa.

Abuu Mansuur ayaa ciidamo Itoobiyaan ah magaalada Baydhabo kasoo xireen bishii December ee sanadkii 2018-kii, waxaana tan iyo xilligaasi ku xirnaa dhismo ay maamusho hay’adda NISA iyada oon wax dacwad ah lagu soo oogin maxkamadna aan la geyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -