Duqa Muqdisho oo kulan xasaasi ah la qaatay Wasiiro & Taliyeyaal ciidan (Sawirro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Mahad Cabdirixmaan Aadam.

Guddoomiyaha ayaa ka xogwareystay Taliyaha Asluubta xaaladda maxaabiista iyo xabsiyada Gobolka Banaadir, doorka muuqda ay ka qaateen Ciidanka Asluubtu barnaaijka dib u dhiska ee Isxilqaan, kaas oo ilaa haatan ay socoto dib u habaynta goobaha muhiimka ah ee Caasimadda.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa kala hadlay Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji dardar gelinta dib u habaynta Cadaaladda iyo sidii loo sii dhammaystiri lahaa qorsheyaasha ku aaddan xal u helista dhulka iyo guryaha lagu muransan yahay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa u ballan qaaday masuuliyiinta uu la kulmay in uu la yeelan doono wada shaqeyn dhow, maadaama uu mudnaan gaar ah siinayo tayeynta Garsoorka heer Gobol, daryeelka maxaabiista iyo dhammeystirka guulaha lagu xaqiijiyey Barnaamijka Ixsilqaan ee dib u dhiska dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -