Madaxweyne Xasan Sheekh oo loogu baaqay in wadahadal la galo Hoggaamiyaasha Al Shabaab

Hay’adda xasaradaha caalamka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICG ayaa ka hadashay suurto galnimada in dagaalka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab wadahadal lagu xallin karo.

Warbixin ay soo saartay hay’adda ICG ayey ku sheegtay in dagaalka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ay ka dhasheen dhibaatooyin badan, waxa ayna hay’adda ku talisay in markan xalka dagaalka loo bedelo wadahadal.

Hay’adda ICG ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ugu baaqday in uu wadahadal la galo Al Shabaab, waxa ayna ku boorisay in uu tijaabiyo in wadahadal lala furi karo kooxda Al Shabaab.

Warbixinta ay soo saartay ICG ayey ku sheegtay in Al Shabaab xilligan  milatari ahaan kaliya aan looga adkaan karin, waxa ayna xustay hay’adda in la raadiyo waddo kale oo kooxdan dagaalkeeda lagu soo afjari karo.

ICG ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu xilka u tartamayay horey u ballanqaaday dib u heshiisiin , waxa ayna hay’adda ICG su’aal galisay suurto galnimada in dib u heshiisiintaasi Al Shabaab laga qeyb galin karo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al Shabaab la gali doonaan dagaal adag oo lagu dhimo awwoodooda kahor inta aysan wadahadal la furin kooxdaasi oo hadda maamusha magaalooyin iyo deegaano badan.

Hoggaamiye kuxigeenka Al Shabaab Mahad Karatay oo dhankiisa dhawwaan wareysi bixiyay ayaa cadeeyay in aysan marnaba wadahadal la geli doonin dowladda Soomaaliya uu sheegay in aysan ku dhaqmeyn shareecada Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -