Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe ku soo arkay Safaarada Somalia ee Nairobi? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe ayaa maanta booqday Safaarada JFS ku leedahay dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkeenna u jooga Kenya Ambasador Maxamuud Axmed  Nuur Tarsan, ku-xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey shaqada adag ee Shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay hayaan waxaana  uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay  in dhiira-gelin farxad ay u tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe isagoo warbixin ka siiyey howlaha ka socda safaarada iyo adeegyada ay bixiso.

Related posts

Xamaas oo sii deyneysa Israa’iiliyiin nool iyo kuwa dhintay

Cabdi Cade

Mid kamid ah Fanaaniintii ugu caansanaa Soomaaliya oo goordhaw geeriyootay

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Dadkii lagu laayay magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---