Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Masuul ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo lagu dilay Laascaanood

Gudoomiyihii Xisbiga mucaaradka ah ee UCID u qaabilsanaa gobolka Sool ayaa caawa lagu dilay magaalada Laascaanood sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Maxamed Aflahar ayaa waxaaa rasaas ku furay dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday, kuwaasoo ka baxsaday goobta markii ay dilka fuliyeen.

Ciidanka amaanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood ayaa bilaabay howlgalo baaaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan raggii dilkaas.

Lama oga cida ka dambeysay dilka Gudoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sool, mana jirto cid sheegatay, sidoo kale Xisbiga UCID iyo laamaha amaanka Somaliland kama hadlin dilkan.

Related posts

Maxaa Dalka La Gudboon Kol Haddii Ra’iisal wasaare Khayre uu Xilkii Baneeyey!

Cabdi Cade

(Akhriso) Magacyada Beelaha & Xildhibanada ku fadhiya 21ka kursi ee ay shaacisay Galmudug

Caydiid Ali

Jeneraal Tuuryare” Uma qadanayo waxii xalay dhacay shil yar wax ku talagal ah bay aheyd & isku day dil “

admin
Taboola Ads ---