Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Midawga Yurub oo keenay qorshe xal loogu heli karo sarreen badan oo ku xanniban Ukraine

Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Luxembourg waxay kaga wada xaajoodeen sidii loo fududayn lahaa in malaayiinta ton ee sarreenka ah ee ku xanniban dalka Ukraine inay gaadhaan dalalka loo wado, ka dib markii dalka Ruushku uu xannibaad ku soo rogay dekedaha Ukraine ee ku yaalla Badda Madow.

Ukraine oo ka mida dalalka ugu badan ee soo saara sarreenka dunida laga isticmaalo ayaa haatan awoodi wayday inay sarreenkeeda debedda u dhoofiso. In ka badan 20 million oo ton oo sarreen ah ayaa ku xanniban dekedaheeda, tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalkaas.

Moscow ayaa iyadu iska diiday in dalkeedu uu ka masuul yahay qalalaasaha dhinaca cuntada ee caalamka ka taagan, iyaga oo taas bedelkeeda ku eedeeyey in cunaqabataynada ay soo rogeen Wadamada reer Galbeedku inay keentay cunto yarida ka jirta caalamka.

Wasiirada Arrimaha Debedda ee Midawga Yurub ayaa haatan ka fekeraya sidii arrintaas xal looga gaadhi lahaa, waxaana qorshayaasha laga wada hadlay ku jira in Qaramada Midoobay ay door ka cayaarto sidii ay Moscow ugu qancin lahayd inay xannibaadda ka qaaddo dekedaha Ukraine, si debedda loogu dhoofiyo sarreenka, halka taas bedelkeeda loo ogolaanayo dalka Ruushku inuu wadamada caalamka u dhoofiyo cuntooyinka uu soo saaro iyo waxyaabaha beeraha lagu bacrimiyo.

Turkiga oo xidhiidh dhow la leh Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegay inay kormeeri doonaan dhaqangalka heshiiska, haddii heshiis la gaadho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaafiic saakay lagu garaacay madaxtooyada Soomaaliya iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Nin dil u geestay Haweeney ganacsato ah oo deyn ku laheyd oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Wasiir Jamaal oo ku guuleestay in uu kamid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---