Madaxweyne Deni oo shaaciyay in aan lagala tashan Magacaabista Ra’isul Wasaaraha

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday hadalo muujinayay in uu ka careesan yahay in Ra’isul wasaaraha Soomaaliya  loo magacaabay shaqsi aan deegaankiisa kasoo jeedin.

Siciid Deni oo shalay kulan qado ah la qaatay Xildhibaano katirsan Puntland ayuu ku faanay in isagu sabab weyn u ahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh doorashada ku guuleesto, waxa uuna dhanka kale cadeeyay in Xasan Sheekh sidii uu ka filayay uusan ka helin.

Waxa uu sheegay  Deni in doorashadii federaarlka Puntland  ku khasaaray oo aysan waxba ugu soo kordhin marka laga reebo in Farmaajo baxay, waxa uuna xusay in kooxo kala duwan isku baheesteen saameyna ku yeesheen Xildhibaanadii Puntland lagu doortay.

Madaxwenaha Puntland ayaana sheegay in magacaabiusta Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya aheyd mid kaliya ku koobneed Madaxweyne Xasan Sheekh balse isagu wax talo iyo tasaaleyn toona uusan ku laheyn.

Siciid Deni ayaa sheegay in waqti siin doonaan dowladda cusub uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayna eegi doonaan sida uu wax u maamulo, waxa uuna xusay in Madaxweynaha ku qiimeyn doonaan hadba sida uu u shaqeeyo.

Madaxweyne Deni oo codadkiisa ku taageeray Xasan Sheekh ayaa filayay in Ra’isul Wasaaraha isaga loo magacaabo ama sidoo kale xilkaasi isaga lagu sharfo oo loo magacaabo qof uu wato, balse taasa ayaana dhicin waxaana loo magacaabay shaqsi uusan wadan.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka ayaa loo magacaabay siyaasi kasoo jeeda deegaanada maamulka Jubbaland gaar ahaan shaqsi u qabiil ah sidoo kale watay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isna doorashada ku taageeray Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -