Wiil oo Soomaaliyed oo ku dhashay xaalad dhif iyo naadir ah (Sawirro+Video)

Mucaad Nuur Ciise waa Wiil Soomaaliyeed oo saddex sano iyo bar jir ah kaasoo ay heysato dhibaato Caafimaad oo aad u adag, una baahan gargaar deg deg ah

Shamso Maxamed Axmed oo ah Mucaad hooyadiis ayaa sheegtay in wiilkeeda ay heystaan xaalado Caafimaad oo kala duwan oo uu ku dhashay.

“Mucaad waxaa uu dhashay isagoo ay xiran yihiin duleelada labada dhegood, mana jirto wax uu maqli karo haba yaraatee, indhaha waxaa ka socota Maal aan la ogeyn waxa dhaliyey, qandho aan kala joogsi laheyn ayaa sidoo kale jirta” ayey tiri hooyo Shamso Maxamed Axmed.

Waxay intaas ku dartay in dhibaatada heysata wiilkeeda aysan intaas ku koobneyn.

“Waxaa isku furan dhuunta iyo hab dhiska neef mareenka, Cuntada si saani ah uma liqi karo neefta ayaa ku dhegeysa, sidaas awgeed waxaan siiyaa kaliya raashiin dareere ah ama jilicsan sida Miishaali iwm.

Hooyo Shamso Maxamed Axmed waxay sheegtay in Mucaad markii uu dhashay ay tuseen dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Muqdisho jooga, ayna u sheegeen in xaaladiisa aan dalka waxba looga karin, loona baahan yahay in dibeda loo qaado.

“Waxaa nahay qoys danyar ah oo aan awoodin dhaqaalaha ku baxaya in Mucaad dibeda loo qaado sidaas awgeed Sanadkii 2018 lacago ay noo soo ururiyeen dad ehelo ah ayaa inoo suuragaliyey inaan geyno dalka India, dhaqaatiirta aan halkaas kula kulanay markii ay baareen waxay inoo sheegeen Mucaad uusan geli karin qaliin miisaankiisa oo aad u yaraa awgeed maadaama uu dhowr bilood jiray xiligaas, waxayna nagula taliyeen in loo soo celiyo marka miisaankiisu gaaro qiyaastii 10kg si qaliino loogu sameeyo” ayey intaas ku dartay Hooyo Shamso Maxamed Axmed.

Waxay sheegtay iney dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho, maadaama aysan India ku noolaan karin inta uu miisaankiisu ka gaarayo 10kg dhaqaale daro awgeed.

“Hadda Mucaad yare waxaa uu jiraa sadex sano iyo bar, miisaankiisana 10kg ayuu kor u dhaafay, hase ahaatee awood dhaqaale uma lihin inaan ku celino dalka India si qaliinada uu u baahan yahay loogu sameeyo, arrintaasoo murugo badan iyo uurkutaalo nagu heysa, sidaa awgeed waxaan si naxariis leh uga codsanayaa walaalaha muslimiinta ah ee caalamka ku nool inta awoodi karta, sida ganacsatada, Muxsiniinta, Jaaliyadaha iyo inta ILAAHAY wax siiyey iney ALLE dartii gacan uga geystaan sidii Mucaad yare mar kale loogu qaadi lahaa dalka India si xaaladiisa caafimaad wax looga qabto” ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay  Hooyo  Shamso Maxamed Axmed oo xaalad murugo leh ay ka muuqatay wejigeeda.

Haddii aad dooneyso inaad ILLAAHAY dartii u caawiso Mucaad Nuur Ciise kala xiriir hooyadiis Shamso Maxamed Axmed telefankan oo sidoo kale leh Whatsapp: 0615214283 Muqdisho, Somalia

HOOS KA DAAWO SAWIRRO IYO VIDEO

- Advertisement -