Prof. Saciid Ciise: “In maanta Jufo ay xoog ku raadiso xil ummadeed waa nasiib daro”

Waxaa halgan loogu jiraa waa horumarinta dowladnimada Soomaaliyeed oo dimoqaraadiya iyo taageeridda hogaamiye wanaagsan ee uu dalku yeesho. Waxaan diidney kelitalis macangag ah oo shaqsiyaadka maangaabka ah isku wareejiya si uu iyaga ugu adeegsado sidii ay boqortooyo been ku dhisan ay ugu guulwadeeyaan mariin habaabinta iyo been hawaasnimada lagula dagaalamayo runta oo ku asteysan qaran dumin iyo qiyaano qaran.

Waxaa hadda soo muuqata kaaha ka soo iftiimaya hogaanka wanaagsan ee uu dalku yeeshay, waxaana ka soo daba muuqday mugdi duminaya iftiinkaas curdanka ah, taasoo ah kulitalis ka turjumaysa talada madaxtooyada dalka iney noqoto mid ay talowadaag ku wada noqdaan qabiilka ku haybta ah hogaamiyaha dalka, haddii taas la waayana ay qalalaaso ku abuurayaan hogaanka madaxtooyada dalka.

Goorma ayey ahayd xiliga laga soo gudbey ku dalbashada xoog qabiil in siyaasadda lagu hogaaminayo dalka lagu baado sidii looga heli lahaa in loo yeelo sida ay rabaan jufooyinka ay madaxdoodu xilka hayso. Maanta looma joogo wakhtigii lagu xisaabtami lahaa sidii magac jufo xoogeeda xilal loogu raadin lahaa, balse waxaa la joogaa wakhtigii dhiirogelin loogu sameyn lahaa garab istaagida xukunka dowladnimadaan sida dhibka badan looga soo dhiciyey kelitaliyihii saaxiibka la ahaa cadowga ummadda oo ahaa midka guddaha iyo kan dibedda.

Waxey u muuqataa taloxumo aan laga fiirsan iney ku dhaqaaqayaan halgameyaal shalay difaacayey badbaadinta qaranka oo duminteeda ay maanta u soo hub qaataan, ayna u waxyeeleeyn lahayeen burburinta waxtarka ka dhashay mirodhalka halgankoodii, iyagoo taas u maraya mansab gacantooda ku jira oo ay uga abaal dhacayaan ummadda Soomaaliyeed oo naf iyo maalba u soo hurtay halganka qaraaraa oo ay u soo galeen sidii xilka madaxweynaha uu u hogaamin lahaa madaxweynaha ku soo guuleystey xilka hogaaminta dalka.

In maanta jufo ay ku doodo damac xagaldaacinaya awooda hogaaminta dalka oo ay ku bartilmaameysanayaan madaxtooyada dalka looga arrimiyo, waxey u muuqataa aflagaado meelkadhaca ku ah oo loo geysanayo dadweynaha intiisa kale oo u soo halgantey isbedelkaas siyaasadeed iyo weliba shacab weynaha Soomaaliyeed ee ku faraxsan inuu dalka ka dhaco isbedelka siyaasadeed oo uu dalka ku hogaaminayo madaxweynaha cusub ee xilka haya.

Cid walba oo uu hamigoodu yahay iney halgankooda ku doorsadaan xil, waa mide, waxaa la gudboon iney dib u jaleecdaan taariikhda halgameyaashii SYL oo uusan midna mansab uusan ka helin dowladnimadii ay u soo halgameen, balse ummadda uga tegey taariikh leh magac wanaagsan. Waa midka kalee, waa in la xasuusto curiyihii Kacaanka Oktoobar, wuxuu ka dhaxlay halgankiisii mansab uu ku muteystay in lagu daldalo, taariikh wanaagsana uusan uga tegin dadkiisa, balse wuxuu ku soo hogaamiyey kelitalis horor ah oo dabadiis u geystey shacabka xasuuq iyo xukun faasida. Damaca waalan oo walaal diidka ah wuxuu dhaxalsiiya jufooyin ku qaraabteyaasha iney hormuud u noqdaan xukunka oo ay cid kale qabato iyo iyagoo si xun mudnaantooda loo marisiiyo

Cidna laga yeeli mayo in mirodhalka guusha isbedelka siyaasadeed ay ku halowdo gacmaha taloxum jufo, waxaana tixgelin mudan in la aamino in lagu qanco nasiibka ah in qofkii dowladda wax ka hela iyo qofka aan waxba ka helin iney munaasab ku tahay in la taageero hogaankan curdunka ah oo cadowyada badan leh. Waxaa nasiib wanaagsan yeeshay inta garatay dhibaatada kelitaliyihii oo ka dhiidhisay hogaanxumadiisa, xilkana ka tuurtay. Waxaa ayaandarran kuwa ka indhola’ dadaalada hogaanka cusub iyo neecawda xoriyo oo raxmadeedu ka soo gufaacaneyso kaaha ka soo baxaya iftiinka dowladnimo wanaaga hogaamiyaha cusub.

Kelitalis xukunka u adeegsanaya qowsaaro uu ku caburiyo xuquuqda iyo xoriyadda dadka, maahan midaan hiigsigiisa dooneyno. Sidaas si la mida, ma dooneyno Kullitalis qabiileed oo ay waxmagaratada ku haybta ah hogaamiyaha dalka ay ku doonayaan iney talada dalka ku qabsadaan madaxweynaha oo ay u arkaan qabiil ahaan xubin iyaga ka mida oo looga baahan yahay in talada dalka uu soo dhexdhigo beesha, isaguna uu dhexda uga jiro talowadaaga beeshiisa, islamarkaasna loo yeelo sida ay rabaan tabasho kasta oo ka dhex jirta beesha haddii ay tahay mansab iyo maqaamba.

Dadka u dagaalamaya jufo ahaan iney u helaan wax ka dhexeeya ummadda oo magacaabisteeda ay masuuliyad ka saaran tahay madaxweynaha, waxey ka ilduufeen awoodaas iyo kuwo kalaba iney ka shaqeeyaan sidii loogu soo celin lahaa gacmaha shacabka Banaadir iyo Shabeelooyinka, taas oo u baahan dhisida maamul goboleedka Banadir iyo Shabeelooyinka. Shacabka ku nool deegaanka Xamar yeysan xagxagan madaxweynaha, balse hala yimaadaan hanaan dowladnimo oo ay xilkaas madaxweynaha si sharciya ay ugala wareegaan, inta taas la helayana ay ku qancaan cida uu u soo dooro madaxweynaha.


W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

 

- Advertisement -