Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Baxdo

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkii Al Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Baxdo iyo sida dadka deegaankaasi isaga difaaceen Weerarka .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana bogaadiyay dadka deegaanka Baxdo uu tilmaamay in ay iska difaaceen dagaalyahanada Al Shabaab khasaaro xoogana ku gaarsiiyeen duulaankaasi.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Villa Soomaaliya soo saartay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen argagixisada Alshabaab oo saaka weerar bahalnimo ah ku soo qaaday deegaankaas.
.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarsiiyeen argagixisada soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -