Galmudug oo Shaacisay tirada Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al Shabaab ku galeen Baxdo

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo dhoor jiho ah waxa ay ku qaadeen deegaanka Baxdo oo hoostagta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaal culus oo saacado socday ayaa gudaha Baxdo iyo duleedkeeda ku dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo dagaalyahano katirsan Ahlu Sunna oo gacan ka helayay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire falagle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al Shabaab guul daro loogu xambaariyay duullaan afar jiho ah ay saakay aroortii ku qaadeen deegaanka Baxdo.

Waxa uu sheegay wasiirka in Al Shabaab magaalada afarteeda jiho kasoo galiyeen baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay balse iyaga oon qarxin gaadiidkaasi la wareegeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Danab sida uu tilmaamay.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka Baxdo Al Shabaab looga dilay ku dhawaad 60-dagaalame halka kuwa kalana nolosha lagu qabtay, waxa uuna xusay in dhankooda ka dhniteen nin Sheekh ah oo dagaalka qeyb ka ahaa iyo saddex caruur oo wiifto dishay.

Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay duullaankii ay ku qaadeen deegaanka Baxdo waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 27-kamid ah maleeshiyada hubeesan oo deegaankaasi ku sugnaa.

Ciidamada Ahlu Sunna taabacsan iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa ku sugan deegaanka Baxdo caawa, waxaana degan xaalada deegaankaasi oo saakay ka dhaceen dagaal dhiig badan ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -