Sawirro: RW Khayre oo safarkii Washington soo gebagebeeyey (Maxaa u qabsoomay?)

Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdigii uu horkacayey ayaa soo gebagabeeyey safar shaqo oo uu maalmahan ay ku joogeen magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gelay shirka sanadkiiba ay mar iskugu yimaadaan hay’adaha Maaliyadda dunida, iyadoo sanadkaan uu jiray qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeeyey dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto.

Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa intii uu joogay magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay Madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass, iyagoo ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Sidoo  kale, Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde oo ay isla soo qaadeen horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa u riyaaqay sida dowladda Soomaaliya muujisay in ay awood u leedahay in ay la jaanqaadi karto hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah iyadoo laga tusaale qaadanayo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda muddo gaaban gudaheed.

Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan oo ka mid ah wafdiga Raisul wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna ka mid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalamka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka” ayuu yiri Wasiir Bayle

Waxaa uu intaas ku daray in dowlada Somalia ay gaartay heerkii ugu sareeyay ee kalsoonida Beesha Caalamka.

Intii uu ku sugnaa Magaalada Washigton ayaa Raisul Wasaare Khayre waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan dalalka caalamka iyo heyadaha taageera dalalka soo koraya, kuwaasoo ay isla soo qaadeen qodobo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa horumarka ka socda Somalia.

Madaxda uu Ra’iisul Wasaaraha la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa la taliyaha difaaca ee Madaxweynaha Mareykanka, John Bolton, kaasoo ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay hagaajinta Maamulka Maaliyada, sidoo kalana u sheegay in ay dowladda Mareykanku sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Khayre ayaa sidoo kale kulan aad muhiim u ah la qaatay maamulaha heyadda kaalmada dibeda u qaabilsan Maraykanka ee (USAID) Mark Green, iyagoo isla soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaalada lagu horumarinayo Waxbarashada, Caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist ayaa ka mid ahaa madaxdii uu la kulmay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyagoo isla gorfeeyey qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada iyo xoojinta amniga dalka.

Safarka Khayre iyo wafdigiisu ku joogeen dalka Maraykanka oo guul ku soo dhamaaday ayaa madaxda kale ee ay halkaas kula kulmeen waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), Matthew Rycroft, Wasiirka horumarinta dalka Norway Dag-Inge Ulstein, Ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale, iyo madax kale oo fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -