Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tiro Madaafiic ah oo saaka lagu weeraray Garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb

Tiro Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa saaka ku habsatay garoonka Dayuuradaha Magaalada Dhuusamareeb iyo nawaaxigiisa sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Madaafiicda oo gaarayay ku dhawaad 10 ayaa daryankooda si weyn looga maqlay xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb.

Goob-joogayaal ayaa ku waramay in madaafiicdan ay ku dhaceen Garoonka iyo agagaarkiisa, lamana oga haddii ay jiraan khasaare ka dhashay.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan holwgalka ATMIS iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor oo fariisimo ku leh Garoonka dayuuradaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa la soo sheegayaa iney ku jawaabeen madaafiic kale oo ay la beegsadeen goobo ay tuhunsanayeen in laga soo duqeeyey.

Ciidamada Gorgor ayaa la soo sheegayaa iney duleedka Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay hoobiyeyaasha la soo tuuray.

https://www.youtube.com/watch?v=3a26-EfFZ7Y&t=49s

Related posts

Akhriso :Tobanka Dhibaato Ee xiligan Haysata Wadankeena Soomaaliya 

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo qashin ku daray Warqad uu Madaxweyne Trump usoo qoray !!

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray RW Abiy, Mustafe Cagjar & Axmed Shide? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---