Akhriso :Tobanka Dhibaato Ee xiligan Haysata Wadankeena Soomaaliya 

Qoom kasta oo dunida ku nool waxaa lagu ibtileeyay imtixaan ugooniya, waddamada qaar waxaa lagu imtixaamaa dabeylo, baraf, kuleyl, abaaro, cuduro, dagaaalo, faqri, dhulgariir IWM.Waddan kasta waxaa ugooniya dhibaato uu la daalaa dhacayo oo uu xal uwaayay.Soomaalida waxaa lagu imtixaamay waxyaalo badan oo mustaqbalkeedii mugdi gashay. Waxaana nagu habsaday waxyaalo badan oo ay ka midyihiin:

  1. Qabyaalad: waa aafo nagu habsatay haddii aan nahay Soomaali, waana cudurka keliya oo aan daawo u la’nahay waana mid noo keenay dhibaato aad uweyn oo midnimadeenii kala jaray, dadkii isku ahaa xasabada, xididka, xigtada midba midka kale ma arki karo sababo qabiil awgiis. Qabiilku waa astaan ama sumad laysku garto oo Alle weyne noo jideeyay asii qaabka aan udhignay ay tahay wax khaldan oo aan haboonayn.

Qabyaalad micnaheedu waa qab, iil, quursi, qurun, dulmi, caddaalad daro, amni xumo, gaajo, qax, qowlaysato, diin la’aan, aano IWM. Haddii intaas oo macno kulansatay qabyaalad sow ma ahan aafo, dhib iyo imtixaan nahaysta sow dhib iyo qax ma ahan? Sow quursi iyo halaag ma ahan?.Diinteena suuban waa qaadacday oo xarimtay, waxaa la faray dadka in ay iska dhaafaan xumaha iyo qurunka, qofkasta oo ku faanana waxa u dambayn doona qoomamo iyo ciil.

Qoys laba bohooduu dhahaa ways qatalayaane

Kanaa quudka loo badiyay buu qabar ku siiyaaye

Walaalaha midka qoon dhex dhigay sow qabiil ma ahan.

Waxay ka shalaayidoonaan maxaa qabiil afka kuu gashay, maxaad qabyaalad umiciinsatay?Maxaad dulmi usamaysay?Adiga oo saas ucataabaya ayuu malagu kuu imaan haddii aadan ka toobad keenin.Qarnigaan aan joogno dhammaan quruumaha waxay higsanayaan dayaxa, qeyrkeena baddaha ayaa bogcado laga yeeshay annaguna seeftaan isku sidanaa, dadkana waan iskula sareynaa.Waxaana iska burburinay dowladdeenii quwadda lahayd waxaana ku beddelanay qabiil.

Qarnigaan aan joognee samada lagu qadaynaayo

Qaruumaha dayaxa gaaray waa qeyrkeen oo kala’e

Sababaha quree naga dib dhigay sow qabiil ma ahan

Waxa uu sababay in maanta ummaddii Soomaaliyeed ee xididka iyo xigaalka ahayd ay qoloba meel degto oo jaangoysato, ayna dhahdo haddaanu nahay qabiil hebel deyrkaan baa nogo’an sow dhib iyo rafaad ma ahan? Waxay keentay in qof kasta oo aqoonyahan ah ama bulshada indhaheeda waxaa loo qalay ama qudha looga gooyay qabiil hebel baad ka dhalatay aano aan dhammaan baa naga dhaxaysa.

Qaawada lakala qaaday iyo hebel qurgoyntiisa

Aanada qarsoon ee mar hore qallacay reero

Utun aan qaboobayn marnaba sow qabiil ma ahan

  1. Qaad: Waa aafada labaad ee inaga reebtay qeyrkeen, waxa uu naga dhigay dammane hurdaaya oo aan lahayn hadaf iyo yool fog. Waxa aan raamsanaa qoryo lagu daray sun iyo dacar lagu waraabshay biyo kiimiko lagu qooshay oo waxay ka samaysanyihiin daliil cad aynu uhayn ayaan har iyo habeen raamsanaynaa sidii xoolihii. Dhammaan raggii fekeri lahaa oo qabka iyo hanweynida lahaa waxaa asaagood ka reebay oo halkaa dhigay waa qaad oo caafimaad daro iyo cibaado la’aan meel la yuruura oo haddana isla qab weyn oo ku haya annaa laandheeraa iyo dunida annaa ugu sareeya.

Waa duul maskaxdoodii la doorshay oo aan dareen lahayn, waa ruux xiligu marqaamku gaaro daaro iyo dabaqyo dhisaaya qumalaylka habeenkiina qaaradaha adduunka lug ugu jibaaxa, kolka uu dhacana qarow aan dhammaan iyo riyo baas lagu ibtileeyo, waxa uuna habeen kaas oo dhan la dagaalamayaa habar dugaag oo dabo iyo dacal ka quusaya.

Intaas oo rafaada iyo dib udhac ayuu qaadku sababay haddana madayno daroogadii baanu qabatinay oo qeyrkeen waan ka harnay.Waxa ku burburay qoysaskii Soomaaliyeed kadib markii ay dayacmeen caruurtii, xaasaskii iyo maamulkii qoyska.

Waxaa abwaankeenii weynaa ee Abshir Nuur Faarax ka tiriyay gabay dheer oo taabanaya dhinacyo badan oo quseeya qaadka iyo dhibkiisa, qoys burburka iyo halaagga.

Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa le’

Qoys laga dhixiyo qaaqlanimo qaadow adigaa le’

Qoys dumiyo qayliyo huruuf  qaadow adigaa le’

Qaraabo iyo ehelaan la tebin qaadow adigaa le’

Is qandiiri kana qoomamee qaadow adigaa le’

Dugaag lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa le’

Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa le’

Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa le’

  1. Wax dhacay: Dhibka saddexaad ee nahaysta waa wax dhacay oo waddanka la soogasho, waana musiibada ku habsatay ummadda. Ma jrto dowlad quwadleh oo hubisa tayada waxa waddanka soogalaya badqabkooda iyo in ay yihiin wax dadka caafimaadkooda uroon. Waxaa waddanka la keenaa raashin dhacay kaas oo aanba la hubin tayada iyo waqtiga la soo saaray, waxayna ganacsatadu ka soo beddelaan waqtiga taas oo keentay in dadku gataan hadhowna ay helaan cuduro aan la aqoon, midkastana ay hesho  xanuun ay ka qaadeen cunnada dhacday.

Markii ay cunnadii ku xanuunsadeen waxay utageen dhakhaatiir kuwaas oo inta badan ufurtay isbitaalada in ay lacag ka sameeyaan, qofkiina waxaa loo dirayaa baaritaano ciiddaa ka badan. Qofkii waxaa loo qorayaa bac daawooyin ah oo dhacay balse la cusboonaysiiyay waqtiga soo bixidda. Markii uu bukaankii qaato dawo dhacday, cunno dhacday iyo biyo aan saafi ahayn, ma helayaa bukaan kaas caafimaad uu ku naaloodo?Su’aashu waa maya sida uu maalin kasta dhakhtar ugu tagaayo ayuu ugu dambayn ku dhiman ama unoqon bukaan socod.

Haddii aan dowlad jirin

Madax daacadiyo

Digtooro aqoonleh

Ganacsato damiirleh

Doolar eeganaya

In dawo dhacdiyo

Bukaanka lagu daldalo

Sow dow ma ahan?

  1. Dulmi: Dadku markii uu damiirku ka dhinto waxaa ku bata dulmiga, waxayna dadka awoodda lahayn u addeegsadaan ficilo gabood fal ah oo aan jiritaankooda meel uga dhacay. Dulmiguna waa shey la kaa rahsaday diinteenuna ay macnuucday in qof bini’aadam ah la duudsiiyo xaqiisa isagoo loo sheeganaayo awood dowladeed, mansab iyo gardaro. Waana musiibo ku habsatay Soomaalida. Waxay isku dulmiyeen qabiil, waxay isku gowraceen qabiil iyo waxay isku xasuuqeen qabiil.

Dulmi ninkii doona

Daandaansi raadsha

Xaqa dadka duudsiiya

Daalim weeye

Daa’in hanaga qabto

  1. Tahriib: Tahriibku waa aafooyinka helay ummadda Soomaaliyeed ayuu qeyb ka yahay, waana musiibo aan ku weynay malaayiin dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo ku baaba’ay badaha, saxaraha iyo waddamada reer Yurub. Waxaana laga macaashaa dhiigga shacabkeena iyadoo laga samaynaayo lacago badan.

Tahriib waa in aad ka tagto deegaankaagii aad udhalatay adoo usocdaala waddan kale si ay halkaas uga helaan deganaan iyo nolol.Waxayse dhalinyardii ku dhammaadeen badaha iyagoo raadinaya nolol dhalanteed ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn.Waxayna la kulmeen dhibaatooyin tira badan oo aafeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed.Tahriibka dadka waxa uu ka midyahay fal dembiyadeedka ugu culus ee adduunka ka dhaca, waxayna waddamada adduunka si isku mid ah ula dagaalamaan tahriibka si loo joojiyo dadka muhaajiriinta ah ee la kulmaya dhibaatada tahriibka iyo nolosha ciriiriga ah ee ay la kulmi karaan inta ay socdaalka ku jiraan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ka midyihiin dadka ugu badan ee soddonkii sano ee udambeeyay tahriibka ku jiray iyagoo isaga qaxaya amnidarada, shaqo la’aanta xun ee dalka ka jira, waana sababta ay utahriibeen.

  1. Sadbursi: Sadbursigu waa in aad qaadato wax aadan xaq ulahayn, waana in aad qaadato qof kale waxa uu leeyahay adoo umaraya waddo aan sharci ahayn oo ka baxsan diinta islaamka. Sadbursigu waa shay aan sharci ahayn waxayna ka mid tahay dhibaatooyinka ugu culus ee Soomaali haddaanahay nagu habsaday. Qabiil kasta waxa uu doonayaa in uu helo wax uusan xaq ulahayn. Waxay rabaan in ay ugu sadroonadaan, dadyowga kalena ay wax dheeryihiin weliba way ku faanaan in ay helaan wax aysan lahayn.
  2. Musuq: Musuq-maasuqu waa in aad qaadato hanti dadweyne sifo aan sharci ahayn. Waana dhibaatooyinka ku habsaday Ummadda Soomaaliyeed ee ragaadiyay.
  3. Diin la’aan:- Alle wuxuu ummadda ukeenay koonkaan in ay caabudaan oo Alle keliya ugu sujuudaan cidna aysan ushiriik yeelin. Balse dadka Soomaaliya waxaa lagu tirshaa adduunka dad wada muslim ah oo sunni khaas ah, waana dadka ugu nasiibka badan oo Alle kawada dhigay muslim sunni ah. Dunida islaamka inta badan waxay diinta ku gaadhay Seef iyo dagaal asii Soomaalida uu ku soo gaaray ganacsi IWM. Waana dad sifudud diinta uqaatay waxayna daliil utahay in ay yihiin bulsho jecel diintooda kuna ad-adag.

Waayahaan dambe waxaa soo batay oo beddelay dad sheeganaya islaam oo diinta uyaqaan say tahay hadday ahaan lahayd quraanka iyo axaadiista balse halka musiibo ee haysata waxa weeye in aysan ku dhaqmayn. Waxaad arkaysaa rag waa weynaaday oo hoteelada, guryaha, maqaaxiyada, carwooyinka, meelaha shaaricyada ah, goobaha lagu qaxweeyo, garoomada, fagaarayaasha aflaamta lagu daawado iyo meelaha lagu dalxiiso.

Qofka islaamka ah waxa keliya ee isku xira isaga iyo Alle Subxaana wataacaa waa salaadda haddii salaad lagaa waayo waxaad jartay xariga Eebbe, waxaana tahay munaafiq saafi ah. Haddii salaadii aan ku ciyaarayno marna aan tukanayno marna aan iska daynayno sow ma haboona in aan Alle dartiis utukano, aakhiradeena ushaqeysano oo Alle ka cabsano.

Dhalinyarada da’yarta ah waa in ay ka fekeraan maxaa dunida laguu keenay?Maxaad unooshahay?Maxaad kugu waajib noqday?Maxaad adi dunidaan ku soo kordhin kartaan?

Dhibka ugu weyn ee nahaysta waa dadkii oo Alle xarigiisii jaray, wax kasta oo laga xaram yeelay iska xalaalaystay, dhiigii baanu banaysanay, sinadii baanu quruxsanay, dhaca, boobka hantida ummadda ayaan ka macaashnay, haddaba sow ma haboona in aan iska dayno waxaas oo dhan oo Alle dartiis utoobad keeno si dhibkaan, qaraxyadaan, abaarahaan, musiibooyinkaan nagu habsatay Alle weyne nooga kor qaado.

  1. Mukhaadaraad: Waxa uu ka midyahay dhibaatooyinka daashaday da’yarta maanta jirta oo mustaqbalkoodii ay ku waayeen xashiishad ay cuneen, taabuug, calaq iyo koolo. Waa nasiib daro anagoo joogna qarnigaan in ubaxyadeenii ay isticmaalayaan darroogo oo ganacsato Soomaaliyeed ubadkoodii ukeenayaan iyagoo eeganaya shillimaadkooda yar ee ay helayaan. Waa aafo khatar ku ah dadka haddii aan si wadajir ah uga hortagin dhibkaan Alle hanaga koryeelee.

Waxaan ku waynay dhalinyaradii maanta dalkooda wax usoo baran lahaa, dalkooda dib udhiskiisa ka qeyb qaadan lahaa, waddaniyadda iyo daljaceylkooda maanta lagu aflixi lahaa ayaan iska siinay balwad teeda ugu daran ee caalamka laga mamnuucay.

  1. Jahli: Bulsho waxay ku dhisantaa aqoon, haddii aan wax aqoona aysan jirin bulshadaasu waxay ahaa naysaa kuwo weligood nolosha ka dhacsan wax kasta oo loo sheegana iska qaata oo aan dib u eegayn. Waxa ugu weyn ee haysta Soomaalida waa aqoon yari, haddii ay aqoon lahaan lahaayeen maaanta dalal kale uma dawarsadeen, dalkeenana ma noqdeen baylah ay cid waliba  soo hawaysato. Soomaaliya kama jirto dowlad awood uleh in ay xakamayso goobaha waxbarasho ee ganacsiga loo furtay oo aan lahayn waxbarasho tayaysan laguna dabaqayn dalkeena kheyraadkiisa, waddaniyadda iyo baahiyaha dalka kajira.  Dalkeena kama jirto waxbarasho midaysan oo dalkeena oo dhan laga hirgeshay, qolo kasta ama nin kasta waxa uu ka fekeray sidee ku heshaa lacag oo aad ushaqeysataa? Inta annagu saas ufekerayno waa adagtahay in aan waddankeena dhibka haysta uusan ka baxayn haddii aan wax laga qaban si wadajir ahna loo xalin mashaakilkaan.

W/Q Qoraa Maxamuud Axmed Muuse Tallman

Mahamudp2@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -