Madaxweyne Erdogan oo qashin ku daray Warqad uu Madaxweyne Trump usoo qoray !!

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka carooday warqad uu Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump usoo qoray 9-kii bishan, warqadan ayaana qaabkii ay u qorneyd layaab ku noqotay Erdogan.

Xubno katirsan Madaxtooyada Turkiga aadna ugu dhaw Madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha uusan la dhicin sida ay u qorneyd warqada uuna ku tuuray qashin qubka.

“Madaxweyne Erdogan waa la soo gaarsiiyay warqadda ka timid Donald Trump, wuu diiday Madaxweynaha waxa ku qoran oo dhan, wuxuuna ku daray qashinka”. ayey yiraahdeen xubno ku dhaw Erdogan.

Warqada uu Madaxweyne Trump u qoray dhigiisa Turkiga ayuu kaga codsanayay heshiis si Turkiga u joojiyaan Howlgalka Milatari, waxa uuna Trump qoraalkiisa kusoo gabo gabeeyay ha is adkeyn hana noqon doqon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -