Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Weerar ku bilowday qaraxyo waaweyn oo ka socda degaan ka tirsan gobolka Mudug

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waaberigii saaka weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday degaanka Baxdo oo ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Ahlusunna iyo maleeshiyo degaankaas ku sugan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaal culus uu labada dhinac ku dhexmarayo degaanka Baxdo, iyadoo daryanka rasaasta iyo madaafiicda laga laga maqlayo tuulooyinka ku dhow Baxdo waxaana hawada ka maqan Isgaarsiinta degaankaas

Al-Shabaab ayey wararku sheegayaan iney degaanka Baxdo ka weerareen labo jiho, waxaana jira khasaaro farabadan oo ka dhashay dagaalka, inkastoo aan laga heyn tirakoob saxan dagaalka oo weli socda iyo isgaarsiinta oo maqan.

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug oo gurmad ah ayaa sidoo kale la sheegayaa iney ka baxeen degaanada kale ee Gobolka si ay uga qeyb qaataan difaaca degaanka Baxdo.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA INSHA ALLAH…

https://www.youtube.com/watch?v=3a26-EfFZ7Y&t=49s

Related posts

Joe Biden oo tagay Xadka Ukraine ammaana u jeediyay ciidamada Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Ingiriiska oo Mashaariic Horumarineed ka hirgalineysa Jubbaland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo kaabiga ku haya Wabxo iyo Dagaal culus oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---