Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Golihiisa Wasiirada ka Mamnuucay iney guursadaan hal xaas wax ka badan

Madaxweynaha dalka Niger  Muhamed Bazoum ayaa Wasiirrada xukuumaddiisa ka mamnuucay inay guursadaan hal xaas ka badan isaga oo ku hanjabay inuu xilka ka qaadi doono wasiirkii amarkaas jebiya.

Hadalkan madaxweynaha ayaa ka caraysiiyey inta badan ee dadka dalkan ku yaalla galbeedka Afrika oo ay ku xoog badantahay caado ah in hablaha da’ yaraan lagu guursado iyo xaasaska badan.

“Inta aad xukuumaddayda ka tirsantahay, waxaa kaa mamnuuc ah in aad xaas labaad guursato.. wasiirka doonaya inuu minyaraysto mamnuuc kama ah, laakiin waa inuu iska casilaa xukuumadda” ereyadaas ayaa ka mid ahaa hadallada uu madaxweynuhu ka jeediyey munaasabad uu ka hadlayey oo dadka fadhiyey oo dumar u badnaa ay sacab diirran ku soo dhoweeyeen.

Hadalkan ayaa la sheegay inuu daba socdo qorshe ay xukuumaddu doonayso in ay ku yarayso tirada dadka dalkan saboolka ah oo dadkiisu ka badan yihiin 24.1 milyan, kuwaas oo  boqolkiiba 99.3 ay muslimiin yihiin.

https://www.youtube.com/watch?v=3a26-EfFZ7Y&t=49s

Related posts

Xus weyn iyo isku soo bax maanta ka dhacay Isgoyska Zoope (Sawirro)

Caydiid Ali

Saif al-Islam Gaddafi oo loo diiday in uu u tartamo xilka Madaxweynaha dalka Liibiya

Cabdi Cade

Nin fal aad looga carrooday ka geestay magaalada Garawe oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---