DANJIRE YOONIS “Markii la doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Yurub waxay muujisay..

Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddamada la isku yiraa Benelux & Midowga Yurub Danjire Yaasiin Yoonis Xaashi [Ooga-cade] oo shalay saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Brussels, ayaa wareysi dheer oo lala yeeshay wuxuu kaga warbixiyay  arrimo dhowr ah, waxaanna qoddobada uu ka hadlay ka mid ahaa;  waxqabadka safaaradda,  xiriirka safaaradu la leedahay jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan waddamada Benelux, dedaaladda uu hormuudka u yahay ee ku aadan soo celinta & hagaajinta xiriirka waddamada Midowga Yurub ee Soomaaliya & guushii xilka hogaaminta dalka ee uu ku guuleystay Madaxweyne Xassan Sheekh 15-kii bishii Mey.

 Dhismaha safaaradda oo uu isbeddel weyn ka muuqday marka loo eego qeybo badan oo lagu soo kordhiyay  & kuwa hor leh oo uu dayactir ku socda ayeey saxaafaddu weydiisay Danjire Yoonis maadaama uu xilka safaaradu hayo muddo ka yar hal sanno sida ay ugu suurtagashay dib u habeyntan uu ku sameeyey safaaradda.

 “Oktoobar 2021 ayaa imid oo uu boqorka dalkan i qaabilay, waxaan u imid hanti Soomaaliyeed oo u baahan dayactir nuuc kasta ba leh.  ILLAAHEEY baa mahad leh oo talada i haleeshiiyay aniga oo la kaashanaya jaaliyadaha Soomaalida ee Biljam-ka & Netherlands howl fiican ayaan dhismaha safaarada ka qabanay oo haddaba aad  indhahaaga ku aragto” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in ay xoogga saareen 2 arrimood oo kala ahaa; soo celinta sharaftii & heybadii safaaradu laheyd iyo in  loo diyaariyo bulshada Soomaaliyeed dhammaan adeegyada muhiimka ah ee ay safaarada uga baahan yihiin.

 Danjire Yoonis mar la weydiiyay kaalinta dalalka Midowga Yurub ee abaaraha ku dhiftay Soomaaliya, wuxuu sheegay in farriintii Madaxweyne Xassan ay kor u qaadeen ayna gaarsiiyeen dhinacyadii la is lahaa wax bay ka gaysan karaan.

 “Hadalkii Madaxweynaha waanu qaadnay ilaa goobtii uu mudnaana waa gaynay, waayo annagu waxeynu nahay shaqaale Dowladeed.  Maalinta Jimcaha waxaa suurtagal ah inaan boqorka dalkan Biljam-ka is aragno, waxaan gaarsiin doonaa xaaladda abaarta Soomaaliya. Sida aad la socoto Brussels waa xaruntii Yurub waxayna diyaar u tahay in ay kaalinteeda qaadato” Ayuu yiri Danjire Yoonis, isaga oo intaasi ku daray in ay suurtagal tahay in dalka Biljam-ka dhowaan uu soo gaaro wefdi uu horkacayo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo Madaxweyne Xassan u magacaabay Ergeyga u qaabilsan Somalia Abaaraha.

 “Waxaana suurtagal ah Madaxweynaha wakiilkiisa gaarka ah mudane C/raxmaan C/shakuur inuu na soo gaaro dhowaan, waddanku waa diyaar, safaarad, jaaliyad & Midowga Yurub intuba, waxay diyaar u yihiin in loo gurmado dadka ay abaaruhu ku dhifteen” Ayuu yiri Danjiraha.

 Mar uu ka hadlayay kaalinta Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in Yurub ay u jiheysatay in ay Afrika wax la qabsato.

 “Yurub waxay daneyneysaa in ay Afrka la jaanqaado oo ay isku meel u wada jiheystaan haddeey tahay  xaga ganacsi,  dhaqan dhaqaale iyo tan diblumaasiga ah. Tan iyo markii la doortay Madaxweynaheena Xassan Sheekh yurub waxay muujiyeen dhaqdhaqaaq aan horay loo arag, waxay dirtay saraakiil fara badan oo xamar tagtay, waxay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya wax la qabsadaan, yurub waa balooga keliya ee Soomaaliya waxtarkeeda qeyb weyn kaga jira” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in kulamo dhowr ah oo uu la yeeshay xildhibaanno dhalinyaro ah oo baarlamaanka Yurub u metelaya dalal kala duwan oo Yurub ah  in ay isku afgarteen sidii Midowga Yurub ay isu garab taagi lahaayeen Soomaaliya.

 “Xildhibaanno badan oo Yurubiyaan ah oo dalal badan ka kala yimid ayaa is aragnay, kulankeena waxaa ka soo baxay in ay Muqdisho tagaan indhahooda ku soo arkaan xaaladda dalka, waxay balanqaadeen in ay maanta diyaar u yihiin haddii fursad loo siiyo” Ayuu yiri Danjire Yoonis.

 Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ayaa ugu dambeyntii ugu hambalyeeyay R/wasaaraha cusub ee la magacaabay.

 “Waxaan maanta fursad u helay inaan halkan hambalyo diiran uga soo gudbiyo R/wasaaraha cusub mudane Xamza Cabdi Barre oo noqonaya R/wasaarihii 21-aad, waxaan ILLAAHEEY uga baryayaa inuu ku guuleeyo xilkaas. Mudane R/wasaare waa kuu hambalyeyneynaa, waynu kula shaqeyneynaa” Ayuu yiri Danjire Yoonis.

W/Wareystay: Cabdishakuur Cilmi
Allbanaadir Online  Dalka Holand 

- Advertisement -