Milateriga Israel oo gudaha u galay Gaza iyo dagaal toos ah oo ka socda (Sawirro)

Israa’iil ayaa mar kale subaxnimadii saaka ku qaadday duqeymo xooggan oo xagga cirka ah iyo madaafiicda Marinka Gaza, iyadoo ciidamada Israa’iil oo ay taageerayaan taangiyo ay gudaha u galeen dhulka falastiiniyiinta kadib weerar dhulka ah, taasoo keentay baaqyo caalami ah oo dheeraad ah oo ku aaddan ilaalinta rayidka.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay duqeeyeen in ka badan 600 oo bartilmaameedyo oo ay leedahay Xamaass dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, iyaga oo ballaarinaya howlgallada dhulka ee Marinka Gaza, halkaas oo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay si aad ah ugu baahan yihiin shidaal, cunto iyo biyo nadiif ah iyadoo dagaalka uu galay todobaadkii afaraad.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay taangi iyo cagaf-cagaf ay Israa’iil leedahay oo ku sugan Qaza oo xannibay waddada weyn ee isku xirta waqooyiga iyo koonfurta dhulkaas, taasoo ciidammada Israa’iil ay horay ugu sheegeen Falastiiniyiinta inay u adeegsadaan si ay uga baxsadaan duullaanka dhulka ee sii fidaya. Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku haray waqooyiga ma awoodaan inay baxsadaan haddii wadada la xiro maadaama ay tahay wadada kaliya ee la isticmaali karo.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee ka taliya Gaza ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya saddex haween ah oo lagu qabtay weerarkii 7-dii Octoobar Mid ka mid ah haweenka ayaa soo saartay hadal kooban, iyadoo dhaleecaysay jawaabta Israa’iil ee dhibaatada la haystayaasha.

Xamaas iyo maleeshiyaad kale ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 240 qof intii uu socday weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, waxaana ay sheegeen in ay ku bedelan doonaan maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku jira gacanta Israel. hase ahaatee Israa’iil ayaa diiday dalabkaas.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa weerarkan ku tilmaamay “marxaladda labaad” ee dagaalka looga jawaabayo duulaankii Xamaas. Khasaaraha labada dhinac ayaa la filayaa in uu aad sare ugu kaco hadii ciidamada Israel ay balaariyaan howlgalkooda dhulka oo ay fooda is daraan maleeshiyaadka falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza.

In kasta oo Israa’iil ay ku amartay Falastiiniyiinta inay ka qaxaan woqooyiga Gaza, oo ay u guuraan koonfurta, boqollaal kun ayaa haray, qayb ahaan, sababtoo ah Israa’iil waxay sidoo kale duqaysay goobaha ay ugu yeertay aagagga nabdoon. Ku dhawaad 117,000 oo barokacayaal ah oo rajaynaya inay ka badbaadaan weerarrada ayaa ku sugan Isbitaallada ku yaal waqooyiga Gaza, oo ay weheliyaan kumanaan bukaanno iyo shaqaale ah, sida lagu sheegay tirooyinka Qaramada Midoobay.

Dhimashada Falastiiniyiinta ayaa kor u dhaaftay 8,300 oo u badan haween iyo carruur sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Tiradan ayaa ah mid aan horay loo arag muddo tobanaan sano ah oo ay socdeen rabshadaha Israel iyo Falastiin. In ka badan 1.4 milyan oo qof oo ku noolaa Gaza ayaa ka qaxay guryahoodii.

Sidoo kale In ka badan 1,400 oo qof ayaa ku dhintay dhanka Israa’iil, weerarkii hore ee Xamaas, sidoo kale waa tiro aan horay loo arag.

Ciidamada Israa’iil ayaa u muuqday in ay si qoto dheer uga sii gudbeen Qaza iyaga oo ka yimid dhanka woqooyi. Fiidiyowga ay sii daayeen Isniintii militariga ayaa muujinayay gawaari gaashaaman oo ku dhex socda dhismayaal iyo askarta oo fariisin ka dhiganaya guri gudihiisa.

Afhayeenka ciidamada Israel Hagari waxa uu sheegay in cutubyo dheeri ah oo lug ah, kuwa gaashaaman, injineero iyo madaafiic ay galeen Gaza, hawlgalladuna ay sii wadi doonaan inay “balaadhiyaan oo ay sii xoojiyaan.

Xamaas oo war soo saartay ayaa ku dhaaratay in ciidamada Yuhuuda ee soo galay Gaza aysan dib u laaban doonin, ayna cadaabta ka waraabin doonaan, iyagoo xusay iney muddo dheer sugayeen ciidamada Israel iney soo galaan Gaza.

- Advertisement -