Ruushka oo qaaday tallaabooyin si weyn uga careesiiyay dowladda Ukraine

Ciidamada dowladda Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa bilaabay tallaabooyin ka careesiinaya Xukumada Kyiv , waxa ayna Ruushka doonayaan in gudaha Ukraine ka abuuraan  dad daacad u ah dalkooda.

Dowladda Ruushka ayaa ka bilowday magaalooyin iyo deegaano ay ka heestaan Koonfurta Dalka Ukraine in dadka kunool ay siiyaan dhalashada dalkooda si dadkaasi u noqdaan kuwa daacad u ah oo dalkooda difaaca.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in 23-kii qof ee ugu horreeyay ee deggen Kherson la siiyay baasaboorka Ruushka Sabtidii, waxa ay sidoo kale wakaaladda sheegtay in kumanaan qof oo kale ay dalbadeen helida baasaboorka Ruushka.

Dowladda Ukraine ayaa si kulul u cambaareesay tallaabada dowladda Ruushka baasaboorka ku siineyso muwaadiniintooda, waxa ayna Ukraine ay sheegtay Ruushka sameenayo xadgudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanideeda dhuleed ee Ukraine.

Dowladda Ruushka ayaa horey sidan oo kale dhalashada Ruushka iyo baasaboorka ugu qeybisay dadka kunool gobolka Crimea oo horey uga tirsanaa Ukraine balse hada Ruushka ka dhigay Jamhuuriyad madax banaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -