Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo digniin ka bixisay weeraro dhici kara

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin amni kadib weerarkii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe ee loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Safaradda oo qoraal soo saartay ayaa Waxay sheegtay iney si dhow ula socoto xaaladda amni ee caasimadda si gaar ah garoonka diyaaradaha iyo in Alshabab ay geysan karaan afduub, qaraxyo iyo weerarada kale oo toos ah.

“Waxaa laga yaabaa inay weeraradu dhacaan iyadoo ay jirto digniin yar ama digniin la’aan, goobaha la beegsan karo waxaa ka mid ah garoomada diyaaradaha dekedaha, xarumaha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee soo jiita dadka badan ama ay ku badan yihiin Reer Galbeedka ah, iyo sidoo kale kolonyada ciidamada dowladda, iyo kuwa Reer Galbeedka,” ayaa lagu yiri digniinta.

29kii bishii dhamaatay ee Oktoobar ayey aheyd markii Al-shabaab ay gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey ku weerareen nawaaxiga isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay dad ka badan 120 qof oo shacab ah, halka ku dhowaad 300 oo kale ay ku dhaawacmeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SAFAARADA OO ENGLISH AH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yasin oo Warqad furan u soo diray RW Xamsa (Labo Sifo waad ka bad qabtaa)

Caydiid Ali

Ciidanka Puntland oo maanta Daacish kala wareegay dhul hor leh iyo hub

Cabdi Cade

Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Galmudug oo la dhaariyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---