Ikraan Tahliil hooyadeed oo ka jawaabtay eedeyntii Fahad u jeediyey Rooble & Mahad Salaad

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii Fahad Yaasiin ka soo yeeray ee la xiriiray waxa uu ka ogyahay kiiska dilka ganadheeda Ikraan Tahliil oo la waayey sanad ka hor.

Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin oo Waraysi bixiyey ayaa dilkii Ikraan Tahliil dusha u saaray Sadex masuul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasoo kala ah Raisal Wasaare Rooble, Mahad Salaad oo hadda ah agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaala.

“Gabadhaan waxaa marka hore la geeyay xafiiska Raisal Wasaaraha, Waxay ahayd shaqo doon, kadib Mahad Salaad ayaa gaari ku soo qaaday, waxaana la geeyay Daarusalaam, kadibna meel Jilib u dhow ayaa la sii geeyay, halkaas ayaana lagu dilay, waxaana dilka fuliyay Mahad Karatay oo Xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad, Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil waxaa lahaa Mahad Salaad cidda dishayna waa Al-Shabaab, Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala. Raisul wasare Rooblena wuu ka warqabay,“aakhiro iyo aduun waxaa la weydiin doonaa Insha Allah Rooble” ayuu yiri.

Hase ahaatee Maamo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa eedeyntaas ka bari yeeshay Rooblem Mahad Salaad iyo Al-Cadaala, iyadoo taas bedelkeed ku eedeysay in dilka gabadheeda ay ka dambeeyeen Fahad Yaasiin iyo saraakiil ka tirsan NISA.

“Gabadheyda Ikraan waxaa la waayey sanad ka hor, muxuu intaas u aamusnaa oo u sheegi waayey arrintan, waa beentiis raggan masuuliyiinta ah ee eedeeyeyna lug kuma laha, aargudasho ayuu wadaa, gabadheyda isaga iyo ragga la shaqeeya ayey ku maqan tahay” ayey tiri Maamo Qaali.

Waxay sheegtay in dacwada gabadheeda aysan ka hari doonin illaa ay maxkamad horkeento ragga ay ku tuhunsan tahay, waxayna hadalka Yaasiin ku tilmaantay mid aan nuxur laheyn iyo been la soo dhoodhoobay.

HOOS KA DAAWO  HADALKA MAAMO QAALI

- Advertisement -