Fahad Yaasiin oo shaaciyay in Dilka Ikraan Tahliil ka Dambeeyeen Rooble iyo Mahad Salaad

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo bixiyay wareysi dheer oo xasaasi ah ayaa iska leexiyay eeda dilka Ikraan Tahliil oo horey loogu eedeeyay in uu ku lug lahaa.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in dilka Ikraan Tahliil aysan wax lug ah ku laheyn hay’adda NISA uu xiligaasi madax ka ahaa, waxa uuna tilmaamay in dilkaasi iska kaashadeen masuuliyiin dowladda katirsan iyo dalal shisheeye si loo sumcad dilo hay’adda NISA.

Waxa uu sheegay Fahad Yaasiin in dilka loo geestay Ikraan Tahliil laga maleegay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble uuna wax badan ka ogaa, waxa uuna cadeeyay in shirqoolka lagu dilay gabadhaasi ku lug lahaayeen Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad iyo Al Cadaala.

ā€œGabadhaas gaari ayaa lagu qaaday nin xildhibaan ah oo la yiraahdo Mahad Salaad baa lala kulansiiyey, isagaa gaari ku qaaday, gaarigiibaa laga qaaday waxaa la geeyey Daaru-Salaam xaafad la yiraahdo oo Xamar ku taalla oo dadka magaalada ugu ladan ay dagan yihiin gurigaas ayaa laga qaaday waxaa la marsiiyey Shabeelaha Hoose, meel Jilib u dhow ayaa la geeyey halkaas ayaana lagu dilay,ā€ ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in Ikraan Tahliil markii loo gacan geliyay Al Shabaab uu dilkeeda amray hoggaamiye katirsan Al Shabaab oo lagu magacabao Mahad Karataay uu tilmaamay in aqoon isku leeyihiin Mahad Salaad.

Waxa uu cadeeyay Fahad Yaasiin in dilka loo geestay Ikraan Tahliil aakhiro wax laga weediin doono Ra’isul Wasaare Rooble , wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaalada iyo taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

ā€œRaā€™iisul wasaaruhuna wuu ka war qabay dhibaatadaas in loo geysanaayana. Aaqiro qofka gabadhaas la weydiinaayo waa Raā€™iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, farsamada lagu fuliyeyna Al-Cadaala ayaa iska lahaa gacanta fulisayna waa Mahad Salaad cida dishayna waa Al-Shabaab,ā€ ayuu markale yiri Fahad.

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa sheegay in dalalka shisheeye ee ku lugta lahaa kiiska Ikraan Tahliil lagu dilay laguna sumcad dilayay hay’adda NISA in ay ahaayeen labo dowladood uu ka gaabsaday in magacyadooda shaaciyo.

Fahad Yaasiin ayaa cadeeyay kiiska Ikraan Tahliil darteed uu halis badan u galay loona maleegay shirqoolo, waxa uuna tilmaamay in dalka Jabuuti lagu xanibay xilli uu doonayay in golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyo kiiska Ikraan Tahliil iyo sida loo dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -