Madaxweynaha dalka Kenya oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde (Sawirro)

Waxaa wali garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degaya diyaaradaha wada madaxda caalamka ee ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo xafladda caleemosaarka Maxadweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in goordhaw si rasmi ah uga bilaabato teendhada afisiyooni, waxaana Muqdisho soo gaaray inta badan madax kala duwan oo munaasabadan lagu casuumay.

Caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda lagu casuumay ee ka qeyb galaya waxaa kamid ah Madaxweyynaha Kenya, Jabuuti, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Ra’isul Wasaaraha Masar iyo madax kale oo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -