Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Banaan baxyo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusomareeb iyo ciidamada dowlada oo…

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ka dhacay banaan baxyo iska soo horjeeda oo ay dhigayeen qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaaladaasi .

Banaan baxyada ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ayaa isugu jiray mid dowlada federaalka lagu taageeerayay iyo sidoo kale mid looga soo horjeeday dowlada oo ay dhigayeen dad taageersan kooxda Ahlu Sunna.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo iska soo horjeeda, waxaana boorarka qaar ay dadku wateen ku qornaa daneeste dooni meyno iyo ereyo kale.

Ciidamada booliiska federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa dadka dibad baxyada dhigayay oo laga cabsi qabay in ay isku dhacaan kala eryay, waxa ayna ciidamada awood u adeegsadeen in dadkaasi kala diraan.

Xaalada Dhuusomareeb ayaa hada ah mid dagan waloo ay jiraan dhaq dhaqaaqyo kala duwan iyo cabsi laga qabo isku dhacyo, dadka magaaladaasi kunool ayaana badankooda taageersan dowlada federaalka kana soo horjeeda qalalaase magaaladaasi ka dhaca.

Ciidamada dowlada federaalka ayaa s buuxda ula wareegay amaanka xarumaha muhiimka ah ee magaalada Dhuusomareeb, waxaana kooxda Ahlu sunna ee magaaladaasi maamuleysay ku dhawaaqday in ay iska difaacayaan ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo codsi la xariira Iran u diray Vladamir Putin

Cabdi Cade

Taliska Booliska Somalia oo digniin siiyey Xildhibaanada cusub ee labada aqal

Caydiid Ali

Dal Afrikan ah oo dadkiisa lacag la’aan uga dhigaya Korontada iyo biyaha ay isticmaalaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---