Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Azerbaijan oo ansixiyey heshiis lala galay Somalia

Baarlamaanka Azerbaijan (Milli Majlis) ayaa meel mariyey heshiiska iskaashiga ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Azerbaijan ee ku saabsan difaaca iyo warshadaha milatari.

Heshiiskan oo la saxiixay 12-kii Febraayo 2025 magaalada Baku, waxaa ka mid ah wada shaqayn dhanka istaraatiijiyadda milatari, tababarro, howlgalka ciidamada, iyo is-weydaarsiga khibradda warshadaha difaaca.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca, Ammaanka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Baarlamaanka Azerbaijan, Arzu Naghiyev, ayaa xusay in heshiiskani uu saldhig u noqonayo iskaashi istaraatiiji ah oo cusub oo dhex mara labada dal.

Waxa uu sheegay in uu leeyahay taageero siyaasadeed oo sare, iyadoo munaasabadda is-weydaarsiga dokumentiga la saxiixay ay ka qaybgaleen madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya xiriirka labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga, iyo saameynta ay ku leeyihiin gobolka iyo caalamkaba.

Related posts

Turkiga oo soo saaray Baabuur casri ah oo ku Shaqaynaya Koronto (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor & Danjire Nicolas Barlenge?

Caydiid Ali

Ciidanka Booliiska jooga Muqdisho oo Heegan Buuxa la galiyay kadib Amar lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---