Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo Wadahadalkii ugu horeeyay yeeshay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalkii ugu horeeyay tan iyo markii dib loo doortay 15-ka bishii hore ee May waxa uu  la yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Amiirka dalka Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa, waxa uuna sheegay in dowladiisa diyaar u tahay in ay la shaqeyso sidoo kale taageerto.

Wadahadlka labada Hoggaamiye ku dhax maray dhinaca telfoonka ayey uga wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar iyo sidoo loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada dal ka dhaxeysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada ay Soomaaliya siiso, waxa uuna ballanqaaday in dowladda uu hoggaamiyo xiriir wanaagsan la sameyn doonto xukuumadda Doha.

Dowladda Qatar ayaa si weyn u taageeri jirtay dowladdii uu hogaamin jiray Madaxweyne Farmaaji, Qatar ayaana la wareegtay doorkii Imaaraadka Carabta horey ugu lahaa siyaasada Soomaaliya iyo hagideeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -