Doorasho saakay lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo

Waxaa saakay lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dhacdo doorashada kursi ka banaan golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursiga ka Banaan golaha shacabka ee saakay lagu dooranayo magaalada Baydhabo waxaa ka geeriyooday   27-kii Abriil sanadkii tegay ee 2018-kii  Xildhibaan Khaliif  Sheekh Cabdullaahi (Dheere) .

Doorashada kursigan waxaa isku soo sharaxay afar Musharax uu ku jiro wiil uu dhalay Xildhibaanka geeriyooday, waxaana saakay lagu wadaa in Baydhabo lagu doorto mid kamid ah afarta Musharax ee kursigan u tartamaya.

Musharaxiinta ayaana kala ah

1: Isaaq Khaliif Sheekh

2: Cabdulqaadir Sh. Maxamed Nuur

3:  Xasan Macalin Ibraahim iyo

4:  Cabdullaahi Sh. Maxamed

Wararkii ugu dambeeyay aan ka helnay hoolka Doorashada ka dhaceyso ayaa sheegaya in labo kamid ah Musharaxiinta ay diidan yihiin in doorashada ka qeyb galaan, waxa ayna sheegeen in doorashada musuq ka jiro lana doonayo in lagu shubo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -