Wararkii Ugu Dambeeyay khasaaraha ka dhashay Madaafiic xalay Muqdisho lagu garaacay

Waxaa xalay saqdii dhaxe tiro madaafiic ah kusoo dhaceen xaafado katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicda oo bilowday xalay abaaro 2:00AM ayaa ku dhacay xaafado katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana madaafiicda qaar ku dhaceen guryo dad shacab ah degnaayeen oo kuyaalla degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka garoonka Aadan Cadde.

Mid kamid ah madaafiicda xalay lagu soo garaacay xaafado katirsan degmada Wadajir ayaa ku dhacay guri dad shacab ah degnaayeen, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaarsiiyay qoys degnaa meel ku dhaw howga Axmed Daaci.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay madfac ku dhacay degmada Wadajir halka ay ku dhaawacmeen sideed qof oo kale oo hal qoys ka koobnaa, waxaa dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in dhaawacyo culus qabeen.

Ciidamada ammaanka iyo gaadiidka gurmadka degdega ayaa u gurmaday dadka waxyeelada kasoo gaartay madaafiicda maadaama xalay magaalada Muqdisho ka hirgalay bandow lagu soo rogay.

Madaafiicdan lagu soo garaacay xaafadaha ku dhaw dhaw garoonka Aadan Cadde ayaa imaanaya xilli maanta lagu wado in magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasabada caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka qeyb galayaan madax kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -