Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir arrin muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay Jordan

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Soomaaliya, Mudane 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐋𝐈𝐍 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta 2025, oo maanta ka furmay magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay (ESCWA) iyo Jaamacadda Carabta, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Dhaqaalaha Dhijitaalka iyo Horumarinta ee Jordan.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Carabta ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista ajendaha dhijitaalka ah ee carabta 2023-2033, iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tiknoolojiyadda, is-weydaarsiga aqoonta iyo dadaallada lagu horumarinayo dhijitaleynta gobolka.

Intii uu socday shirka, Wasiirka Isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee Soomaaliya Maxamed Soomaali ayaa ka hadlay doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso horumarinta dhijitaalka, isagoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kaabayaasha isgaarsiinta casriga ah, lana dhiirrigeliyo hal-abuurka tiknoolojiyadda iyo in la sameeyo xeerar fududeynaya koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sidoo kale la yeeshay kulamo gaar gaar ah dhiggiisa wadamada kale, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa fursad muhiim ah u ah dalalka carabta si ay u xoojiyaan wada-shaqeynta dhinaca dhijitaalka, loona xaliyo caqabadaha taagan, iyada oo la horumarinayo qorshayaal mustaqbalka fog ah oo ku aaddan horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in gar gaar iyo Dhaqaatiir u direyso Marinka Gaza

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Biriq dad ku dhaawacday agagaarka Aqalka cad ee Mareykanka

Caydiid Ali

Ciidanka dagaalka kula jira Al Shabaab oo taageero loo muujiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---