Internetka Muqdisho oo soo laabtay Saacado uu hawada ka maqnaa

Waxaa saacado hawada ka maqnaa Internetka laga isticmaalo magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, lamana oga ilaa hada cilada keentay in hawada ka baxaan shirkadaha bixiya adeega Internetka.

Saacado kooban oo internetka hawada ka maqnaa ayaa goordhaw dib usoo laabtay, waxaana maqnaashaha Internetka saameyn badan ku yeeshay bulshada iyo sidoo kale shaqooyin laga maarmaan u ah socod siintooda internetka.

Shirkadaha qaarkood ayaana shacabka isticmaala u diray farriimo raaligelin ah, mana la shaacin ilaa hada cilada ku timid Internetka iyo waxa sababay , mana jiro war faah faahsan oo shirkadaha iyo dowladda kasoo saareen.

Dadka Soomaaliyeed ayaa xilligan si weyn ugu qabatimay isticmaalka internetka, waxaana saacadihii uu hawada ka maqnaa la arkayay dhalinyaro badan oo ka cabanayay maqnaasha internetka kuwaa oo si weyn u qabatimay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -