Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo Dadka oo lugta xitaa loo doodayo

Waxaa saakay xiran qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee kuyaalla magaalada Muqdisho, waxaana waddooyinkaasi lasoo dhoobay ciidamo aad u badan oo isugu jira booliis iyo milatari .

Ciidamada waddooyinka lasoo dhoobay oo aad u hubeesan ayaa dadka iyo gaadiidka u diidaya in ay maraan waddooyinka u xiran, waxaana jidadkaasi qaar xitaa loo diidayaa in ay ku lugeeyaan dadka shacabka ah.

Xirnaashaha waddooyinka oon horey dadka loogu sheegin ayaa lagu baraarugay saakay aroortii hore xilli dadka qaar shaqooyinkooda iyo goobahha waxbarashada iyo caafimaadka kusii jeedeen.

Ilaa hada lama oga sababta loo xiray waddooyiinka kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga Maka Al Mukarama iyo xaafado kale oo halboole u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Muqdisho.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladii Farmaajo ku dhaliili jiray in shacabka ogeysiin la’aan waddooyinka ka xirtaan, waxaana muuqata in dowladan cusub lasoo baxday habdhaqanka dowladii ka horeesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -