Iska hor imaad xalay ka dhacay Muqdisho iyo kooxo hubeesan oo gacanta lagu dhigay

Waxaa xalay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo kooxo burcad hubeesan oo dadka dhac u geesanayay uu ka dhacay xaafada Ceelqaalow oo katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay dadka deegaanka ayaa ku wargaliyay ciidamada ammaanka burcad hubeesan oo dhac ka geesanayay xaafado katirsan degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Ceel Qalow iyo Buulaxuubey.

Ciidamada booliiska ayaa marka ay soo gaareen xaafada Ceelqalow waxa ay ku dagaalameen kooxaha burcada hubeesan oo watay qoryo iyo mootooyin nuuca bajaajta ah, waxaana dagaal muddo kooban socday halkaasi ku dhax maray labada dhinac.,

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ku guuleesteen in ay qabtaan shan nin oo kamid ahaa burcada dhaca u geesaneysay dadka shacabka ah iyo labo mooto bajaaj ay adeegsanayeen ,kuwaa oo lagu xiray saldhiga booliiska Wadajir.

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Dalxiis) ayaa sheegay in la xiray shan burcad ah kuwa kalana ay heleen xogtooda ciidamada ayna ku daba jiraan sidii ay usoo qaban lahaayeen.

Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah waxaa shacabka dhibaato xooggan ku haya kooxo burcad hubeesan oo qaarkood xiran dareeska ciidanka kuwaa oo dadka ka qaata moobeelada iyo agabyada kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -