Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Xukuno Dil iyo xarig isugu jira oo lagu riday askar katirsan ciidanka Dowladda

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 27-aad ayaa maanya xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday askar katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo lagu helay in geesteen falal isugu jira dilal iyo dhac.

Afar askari oo ka kala tirsan ciidanka milatariga iyo NISA ayaa lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay ee kala ah dilal iyo dhac , waxaana maxkamada dhageysi kadib askartaasi ku riday xukuno kala duwan.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Dable Nisa Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xooga Salmaan ibraahin Shire dil toogasho ah halka Dubad Axmed Xuseen  lagu xukumey Sadddex sano oo xarig ah iyo Sharmaake Muxumed Cali oo lagu xukumey hal sano oo xabsi ah.

Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27aad ee Ciidamada Gashaanle Maxamed Amiin Cabdulle ayaa sheegay in raga lagu riday xukunka qirteen dambigooda sidoo kale lagu cadeeyay waxa uuna xusay in ay heystaan muddo 30 Cisho ay racfaan uga qaadan karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=7BY8tm2MdkM&t=159s

Related posts

Raila Odinga oo ka bad baaday isku day dil kana hadlay cidda ka dambeesay

Cabdi Cade

Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo Ciidamo badan oo lasoo dhoobay

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya ninkii qoyskiisa ku laayey Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---