Dowladda Soomaaliya oo Liibiya kala hadashay Cafinta Lacago Deyn ah ay ku leedahay

Qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa ku leh Soomaaliya lacago badan oo deyn ah, waxaana jira dhoor dowladood oo Soomaaliya ka cafiyay lacagaha deymanka halka sidoo kale wali Soomaaliya rejo ka qabto in dowlado kale iyana cafiyaan.

Dowladaha Soomaaliya lacagaha deynta ah ku leh waxaa kamid ah Liibiya oo mar kamid aheyd dowladaha ugu dhaqaalaha iyo awoodda badan dalalka Carabta iyo Afrika balse hada wiiqeen dagaalo sukeeye oo halakeeyeen markii xilka laga tuuray Hogaamiye Qadaafi.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Soomaaliya Mudane Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta la kulmay safiirka wadanka Liibya ee Somaaliya Yusuf Katim Al Kaylaani, waxa uuna kala hadlay cafinta deynta Liibiya ku leedahay Soomaaliya.

“Waxaan maanta la kulmey safiirka wadanka Libya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxaan ka wada hadalney arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee nagu leh deynta”Ayuu yiri Wasiir Beileh

Soomaaliya oo muddo sannado ah dowlad la’aan aheyd ayaa hada ku jirta xaalada soo kabasho ah, waxaana Soomaaliya ku guuleestay in qaar kamid ah waddamada caalamka ka cafiyaan lacagaha deyhnta ahaa ee sannadaha lagu lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -