Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 13 , ayaa sarkaal sare oo Israa’iili ah ka soo xigtay: “Waxaan dooneynaa in dagaalka Iiraan ,ku dhammaado maalmaha soo socda.”
Sarkaal kale oo Israa’iili ah ayaa u sheegay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth , inay Israa’iil diyaar u tahay xabbad-joojin haddii berri uu ku dhawaaqo hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Cali Khamenei inuu doonayo xabbad-joojin, wuxuu intaa ku daray inaysan rabin dagaal jiitama oo ay la galaan Iiraan, balse ay aad u yar tahay in Iiraan oggolaato wada-hadal.
“Waxaan dooneynaa in dagaalka Iiraan ,ku dhammaado maalmaha soo socda.” ayuu intaas ku daray.
Warbaahinta rasmiga ah Israa’iil ee Kan news , ayaa hadda ku warrantay inay Israa’iil farriin u dirtay Iiraan, iyadoo u sheegaysa inay doonayso Israa’iil in dagaalka la soo afjaro. Laakiin Iiraan ayaa ku jawaabtay: “Waqtigii nabadda weli lama gaarin.”
Madaxa Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran Janaraal Musawi ayaa sheegay iney sii wadayaan weerarada ay ku hayaan Israel “Ciqaabta Netanyahu way sii socon doontaa si xoog leh ilaa uu ka noqdo mid aan waxba qaban karin” ayuu yiri
Israel ayaa qadiyaan ka taagan gantaalada ay Iran maalin kasta ku garaacdo magaalooyinka dhulka xoogga ay ku heysato, kuwaasoo ciriiri geliyey nolosha Yuhuuda, isla markaana dhaliyey burbur illaa hadda Yuhuudu ay rumeysan la’dahay.