Turkiga oo Shuruudo fulinteeda ay adag tahay ku xiray Sweden si ay NATO ugu biirto

Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeeda in gaashaanbuurta NATO ay ka tirsan tahay xubin kasoo noqdaan dowladaha Sweden iyo Finland oo dhawwaan codsaday in xubno ka noqdaan ururkaasi.

Xukuumadda Ankara ayaana ku eedeesay dowladaha Sweden iyo Finland in ay taageeraan ururo Turkiga u aqoonsan yahay argagaxiso sidaa darteedna aysan marnaba raali ka noqoneyn in ay kusoo biiraan NATO.

Dowladda Turkiga ayaa shuruudo adag ku xirtay dowlada Sweden si ay ugu ogolaato in ay xubin ka noqoto NATO, waxa ayna dowladda Turkiga dooneysaa in Sweden usoo gacan galiso xibno isugu jira siyaasiyiin, Wariyaal iyo dad kale oo taageersan Kurdiyiinta.

Xukuumadda Ankara ayaa dadkan ay dooneyso oo ku nool dalka Sweden ku eedeesan in ay yihiin argagaxiso ayna si weyn u taageersan yihiin jabhada Kurdiyiinta ee Turkiga u aqoonsan yahay urur argagaxiso.

Dowladda Turkiga dadka ay dooneyso in Sweden usoo gacan galiso waxaa kamid ah  Amineh Kakabaveh, oo xubin ka ah baarlamanka dalka Sweden , waxaa sidoo kale dadka Turkiga doonaya u badan yihiin kuwa heesta dhalashada Sweden.

Dowladda Sweden ayaan wali ka jawaabin shuruudahan adag ee ku xirtay dowladda Turkiga si ay xubin uga noqoto gaashaanbuurta NATO, waxaana muuqata in shuruudahan ku adkaan doonto fulinteeda dowladda Sweden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -