Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo lagu weeraray Xildhibaan oo ka dhacay magaalada Gaarisa

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah oo dhaliyay khasaaro ayaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah uu la socday xildhibaan katirsan baarlamaanka dalka Kenya oo lagu magacaabo Ibraahiim Cabaas.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in qaraxa miino uu haleelay mid kamid ah kolonyadii uu la socday Xildhibaan Ibraahim Cabaas oo ahaa gaari ciidan xilli ay kusii jeedeen degmada Hulugho.

Inta la xaqiijiyay shan askari oo katirsan ciidamada Kenya ayaa ku dhaawacmay qaraxa miino, askarta qaar dhaawacyada soo gaaray ayaa wararku sheegayaan in uu culus yahay loona qaaday xarumo caafimaad.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaana bilaabay baaritaano ku aadan qaraxan iyo cidii ka dambeesay, waxaana safarkooda iska sii watay Xildhibaanka ka badbaaday qaraxa miino iyo xubnihii kale ee la socday.

Dowladda Kenya ayaa inta badan ku eedeysa dagaalyahanada Al Shabaab qaraxyada miino iyo weerarada kale ee inta badan ka dhaca gobolka Waqooyi bari ee Kenya iyo sidoo kale gobolka Xeebta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=VJNw156-y4o&t=186s

Related posts

DEG DEG: Khilaafkii ka taagnaa Xildhibaanada Gedo oo go’aan rasmi ah laga soo saaray

Caydiid Ali

Dowladda Ciraaq oo gaartay Go’aan lamid ah mid dowladda Soomaaliya kasoo baxay

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo ku baaqay in Waqti lagu bixiyo sidii loo Qancin lahaa Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---