Milateriga qabsaday Sudan oo ka hadlay sida ay ka yeelayaan Cumar Xasan Al-Bashiir

Madaxa sare ee golaha militariga Sudan ayaa waxaa loo dhaariyey Jen. Cawad Bin Cowf kaasoo hogaamin doono dowladda ku meel gaarka ah labada sanno ee soo socota.

Waxaa uu ahaa wasiirka gaashaandhigga dowladdii Al Bashiir, waxaana uu bishii Febraayo loo magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad, iyadoo loo arko ninka xilka ka dhaxli doona Cumar Al Bashiir.

Shir jaraa’id ay qabteen militariga Sudan ee xukunka la wareegay ayay kaga hadleen xaalidihii ugu dambeeyay ee dalkaasi.

Madaxa guddiga siyaaasadda ee militariga Sudan, Jen. Cumar Zeyn Al-Caabidiin ayaa sheegay in Cumar Al-Bashiir lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka isla markaasna aysan tarxiili doonin.

“Bashiir waxaa lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka” ayuu yiri Cumar Zeyn Al Caabidiin.

Waxaa uu intaasi ku daray in muwaadin kasta oo reer Sudan ah oo dambi galay aanan la horkeeni doonin maxkamad shisheeye ah inta ay golaha militeriga ay hayaan awoodda dalka.

Waxaa uu u sidoo kale sheegay in mustaqbalka dowlad rayid ah oo timaadda inay wax ka baddali karaan go’aankaas, iyadoo horeyna Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ay ku eedeeysay Al-Bashiir inuu dambiyo dagaal ka geystay gobolka Daarfuur

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

.

 

- Advertisement -