Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoor Qoor oo Guddoomiyay Shir labo hindise sharciyeed oo Muhiim ah lagu ansixiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, iyadoona Wasaaradda Arimaha Guduaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa soo jeedisay laba hindise sharciyeed si golaha ay uga doodaan, una ansixiyaan.
 
Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed ee hoos ku xusan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug.
 
Labada hindise sharciyeed ee ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ayaa kala ah:-
 
1 – Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowladda Galmudug.
2 – Shirciga ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Dowladda Galmudug.
 
Sharciyadaan ayaa si rasmi ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta u gudbin doontaa Golaha Baarlamaanka Galmudug si ay waajibkooda uga gutaan oo u ansixiyaan ama u diidaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabaal deg ay sameenayeen kooxda Taalibaan oo dhimasho badan sababtay

Cabdi Cade

Wasiir ku baaqay in Baarlamaanka laga sifeeyo Xubnaha taageersan Itoobiya

Cabdi Cade

Ciidamo la wareegay Xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble iyo Shaqaalaha oo loo diiday in ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---