Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo amar cusub ka soo saaray haweenka soo gudanaya waajibaadka Xajka

Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in haweenku ay hadda wixii ka dambeeya ay si toosa u dalban karaan ama isu diiwaan gelin karaan xajka iyada oo aanu la soconin qof muxram u ah.

Warkan waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbedello uu Sacuudigu ku sameynayay xeerarkiisa dhinaca xuquuqda dumarka oo sanadahan dambe isbedelo waaweyn lagu sameynaayey.

Waxaa ka mid ah isbedeladaas in dumarku baasaboor qaadan karaan oo ay kaligood safri karaan, inay gawaarida kaxayn karaan iyo in loo ogolaado inay haweenku qaban karaan illaa heer jagooyin xafiisyada dowladda ah.

Related posts

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Somalia oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo ka jawaabtay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Amaro culus kusoo rogay Bangiyada iyo Xawaaladaha Puntland kuyaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---